|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socday Dalka Norway!
March 16, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed,uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa kulan la qaatay Ergiga gaarka ah ee Dawladda Norway, (MFA Special Envoy) Ambassador Heidi Elburgi iyo Safiirka Kuxigeenka Dawladda Norway ee Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Haakon Svane. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa weftiga warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo iskaashiga nabadgelyo ee ka dhexeeya Dawladda Somaliland iyo wadamada Jaarka ah. Iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlada Norway ayay ka wada hadleen labada dhinaca iyo weliba mashaariicda horuumarineed, iyadoo kulankan ay ka soo qaybgashay Hay’adda Saferworld oo uu metelayey Cabdilaahi Ibrahim. Kulan ayaa ku soo dhamaaday isfaham buuxa iyo wada shaqayn labada dhinac ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Norway. Related posts:Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Sarkaal Ciidanka Asluubta Ka Tirsanaa Oo Galabta Hargaysa Ku Geeriy... “Khilaafka Jabuuti Iyo Muqdisho Ayuu Mawduucu Ahaaye Ma Waddani Edit-gareeya Saab. Tii ka Daba Tuurk... Shacbi Waynaha Magaalada Hargeisa oo Iskugu soo baxay Salaadii ciida garoonka dhalinta ee xaafada Ji... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|