Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Xarumo Caafimaad Oo Laga Hirgaliyay Deegaano katirsan Gobolka Gabiley! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Xarumo Caafimaad Oo Laga Hirgaliyay Deegaano katirsan Gobolka Gabiley!
March 23, 2023 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaad oo ay Weheliyaan Maayarka magaalada gabiley xildhibaano katirsan golaha deegaanka degmada gabiley Iyo Baarlamaanka ayaamaanta xadhiga ka jaray xarumo caafimaad oo laga hirgaliyay deegaanka katirsan gobolka gabiley.

Xadhig ka jarka Afar xarumo Caafimaad oo saddex kamida ay Dowladda Hoose Degmada Gabiley ka hirgalisay Deegaanadda Godka carada, Goray Iyo Galoolay, halka xarunta Afaraadna uu Ganacsade Jaamac Omaar ka hirgaliyay  Deegaanka Gees-dheere, Iyadoo Dowladda Hoose Iyo Wasaaradda Caafimaadkuna iska kaashadeen Qalabaynta Iyo Ka shaqaysiinteeda.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Xildhibaan Araarse, Duqa Degmada Iyo Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Gabiley ayaa xadhiga ka jaray Afartan Xarumo Caafimaad.

Afartan Xarumo caafimaad ayaa si rasmi ah ugu adeegi doona bulshadooda Iyo Deegaanadda Ku xeersanba, Iyadoo loo dhamaystiray dhamaan agabkii caafimaad Iyo Hawl wadeenadii caafimaadba.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS