Dawlada Ukrain Oo Baaq Udirtay Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Ukrain Oo Baaq Udirtay Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay.
March 27, 2023 - Written by Editor:

UKRAIN(W,N)-Ka dib markii Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku dhawaaqay in uu u daad-guraynayo hubkiisa nukliyeerka xulafadiisa Belarus, waxa ay dawladda Ukraine ugu baaqday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in uu yeesho  shir aan caadi ahayn si loo qaado tallaabooyin adag oo ka hortag u noqon kara isticmaalka Ruushka ee hubka nukliyeerka.

Wasiirka Difaaca ee Ukrain Oleksiy Danilov ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in ruushku uu Belarus ka dhigtay la haystayaal nukliyeer.

Gaashaan-buurta NATO ayaa iyaduna dhankeeda cambaareysay tallaabada ruushka, waxaana ay ku tilmaantay mid khatar ah oo mas’uuliyad darro ka muuqato.

Midowga Yurub ayaa uga digay Belarus in ay martigeliso hubka Nukliyeerka ee Ruushka, iyagoo sheegay inay tahay mas’uuliyad darro kale oo khatar ku ah ammaanka Yurub.

Jarmalka ayaa sidoo kale cambaareeyay go’aanka Putin, halka Lithuania ay sheegtay inay ku baaqi doonto cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Moscow iyo Minsk.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa si taxadar leh uga jawaabay tallaabada Putin, iyadoo sarkaal sare oo ka tirsan maamulka uu sheegay in in aanay jirin wax calaamado ah oo muujinaya in Ruushka uu isku diyaarinayo adeegsiga hubka Nukliyeerka.

Madaxa ilaalinta Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay, Rafael Grossi, ayaa Sabtidii sheegay inuu bookhan doono xarunta tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee uu Ruushka haysto ee Ukraine toddobaadka soo socda si uu u qiimeeyo xaaladda halista ah ee halkaas ka jirta.

COMMENTS
LINKS