|
|||||
WAJAALE NEWS
“Caawa Ayaa Ugu Horeysa Oo Ciidanka Qaranku Af Aan Garan Karo Ku Hadlay, “Difaac Aan Qasdi Lahayn Waa Micno La’Aan Baa La Yidhi”Siyaasi Cali Guray
March 26, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “cali Guray” ayaa bogaadiyay hadal kazoo yeedhay ciidanka qaranka Somaliland eek u sugan duleedka magaalada laascanood kuwaasi oo sheegay in wiii maanta ka danbeeyay ay qaadi doonaan weeraro qorshaysan oo ay kaga hortagayaan kooxaha isku soo urursaday magaalada laascanood oo mudooyinkii danbe weeraro kusoo qaadayay ciidanka qaranka Somaliland isagoo arimahaasi ka hadlayo wuxu yidhi. CIIDANKA QARANKA OO CADEEYAY IN AY TOOS U WEERARI DOONAAN CIIDAMADA PUNTLAND EE BERYIHII DAMBE OO DHAN KU SOO QULQULAYAY GOBOLKA SOOL EE SOMALILAND. Caawa ayaa ugu horeysa oo Ciidanka Qaranka af aan garan karo ku hadlay. DIFAAC AAN QASDI LAHAYN WAA MICNO LA’AAN BAA LA YIDHI (defense without aim is meaning less). Allay lehe waxa ka dhigan difaaca uu muddada dheer Ciidanka Qaranku (CQ) Goojecadde iska hawaaray ee tiraba shan goor lagu soo weeraray. Hadii xabbadjoojin iyo in ciidamada la kala durkiyo lagu heshiin waayay xukuumadduna diiday in CQ ay dib uga soo saarto Goojecade go’aanka maanta ay qaateen waa sax weliba marka aynu og nahay ciidamada ka soo gudbaya xadka Somaliya (Puntland) oo aan marna la aqbali karin in ay CQ kula dagaalamaan gudaha Somaliland. Afhayeen u hadlay CQ ayaa cadeeyay in wixii maanta ka dambeeya ay iyagu la wareegi doonaan gacanta sare ee dagaalka oo dhinacoodu la wareegi doono weerarka difaacii Goojecadena ka bixi doonaan. Sida afhayeenku hadalkiisa u dhigay weerarada CQ ay si gaar ah ugu wajahnaan doonaan ciidamada Puntland ee sida isdabajoog ah ugu soo qulqulayay Gobolka Sool ee Somaliland. GUUL BAAN U REJAYNAYAA CIIDANKA QARANKA SOMALILAND Related posts:Siyaasi Xaglatoosiye Oo Sheegay In Aanay Jirin Wax Xil Ah Oo Xisbiga Kulmiye Siinayo Wasiirka Warfaa... Shirkii Golaha Wasiirradda Somaliland oo Lagu Ansixiyey Siyaasada Qaran Ee Gaadiidka, Iyadoo Lagaga ... DAAWO; Farriin Wasiir Shucayb U Gudbiyey Dhakhaatiir Carbeed oo Gargaar Caafimaad U fidinaya Qaarka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|