|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Mubaarik Xeeldheere Oo Reer Sool Ugu Baaqay In Ay Xabada Joojiyaan, Sheegayna In Madaxwayne Biixi Dacwad Uga Gudbin Doonaan Maxkamada Aduunka!
February 18, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Mubaarik Xeeldheere oo katirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa adag uga soo horjeestay dagaalka magaalada laascanood isagoo madaxwaynaha Somaliland ku eedeeyay in uu shacabka reer sool dhib ku hayo. Sidoo kale mubaarik xeel dheere ayaa sheegay in madaxwayne biixi aanu caqabad ku ahayn oo kaliya reer sool balse uu Somaliland oo dhan caqabad ku yahay. Dhanka kale xildhibaan xeeldheere ayaa waxgaradka reer sool ugu baaqay in ay xabada joojiyaan, sheegayna in madaxwayne biixi dacwad uga gudbin doonaan maxkamada aduunka. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Hadlay Cod Been Abuur Ah Oo Laga Sameeyay, Sheegayna In Ay Ka Danbeeyaan X... Hadalkii Safiirka Somaliland Ufadhiya Itoobiya Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Galaafto Xidhiidhka Somalila... “Maxamed Cali Bile Markuu Quus Iska Soo Taagay Madaxtooyadii Ayuu Yidhi Wadanka Waxba Inooma Yaalaan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|