Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Shaaciyay In Uu Iska Casilay Afhayeenkii Xisbiga Waddani Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Shaaciyay In Uu Iska Casilay Afhayeenkii Xisbiga Waddani Iyo Sobobta!
February 24, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan barkhad batuun oo katirsan golaha wakiilada Somaliland kazoo baxay xisbiga waddani ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii afhayeenimo ee xisbiga waddani oo uu mudo ahaa isagoo qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga faah faahin kaga bixiyay sobobta uu xilka iskaga casilay.

Qoraalka uu xildhibaan kaga hadlay xilka tagistiisa ayaa udhignaa Sidan;

“Xil-ka tegis

Muddo ku siman 5-sanno oo aan hayey xilka af-hayeenka Xisbiga ballaadhan ee WADDANI waxa maanta la soo gaadhay xiligii aan jagadaa wareejin lahaa. Waxa ay ahaayeen 5-sanno oo halgan, himilo, horumar iyo hawl badnaa oo aan qof ahaan iyo xisbi ahaan ba meelo adag ka soo baxnay. Wakhti Dadaal, doodo waaweyn, daacadnimo, dareen wanaagsan iyo u hadalka danyarta oo dagaal badan ku wajahay ayuu ahaa.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh waxaans’e abaal iyo ogaal u hayaa cid walba oo shaqadaa adag igu barbar taagnayd muddadii aan mansabkaa hayey: uguna horreeyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga, hoggaanka xisbiga, fullinta, garabadda haweenka, dhallinyaradda, laamaha dibadda, taageerayaasha xisbiga, saxaafadda Somaliiland iyo guud ahaan shacabka sharafta badan ee Somaliland.

Waxa aan hadda  u gacan bixi doonaa shaqooyinka balladhan ee baarlamaanka yaala iyo arrimaha samafalka bulshadda  Somaliland Insha Allah. waxa aan rejo fiican ka qaba in hoggaanka sarre ee Xisbigu iga aqbali-doonaan xil ka tegistayda qof hannan kara jagadaasna u magacaabi doonaan.

 

Allaa Mahad Leh”

COMMENTS
LINKS