Urur Goboleedka IGAD Oo Madaxwaynaha Jabuuti Ku Amaanay Dadaalo Nabadeed Oo Uu Ka Wado Arimihii ka Dhacay Magaalada Laascanood! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Urur Goboleedka IGAD Oo Madaxwaynaha Jabuuti Ku Amaanay Dadaalo Nabadeed Oo Uu Ka Wado Arimihii ka Dhacay Magaalada Laascanood!
February 2, 2023 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Urur Goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhexaadineed oo uu ka wado xiisada ka taaganMagaalo madaxda Gobolka Sool ee  Laascaanood.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in xiisada Laascaanood ay Si dhow Ula socdaan ururka  Igad isaga oo sheegay in ay u baahantahay in fiiro gaar ah loo yeesho, si xal nabadeed looga gaadho.

Sidoo kale IGAD  ayaa Bogaadisay dadaalo Dhexdhexaadinta ah Ee uu madaxweynaha Jabuuti ka wado xiisada Maalmihii Udanbeeyay ka taagan Magaalada Laascaanood ee jamhuuriyada Somaliland waxaanay Geelle ku dhiirigalinayo in uu sii wado dhexdhexaadinta.

“Hada IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yidhi Gebeyehu.

 

COMMENTS
LINKS