|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dalka Thailand Ufadhiya Dalka Kenya!
February 20, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Thailand u fadhiya dalka Kenya Sasirit Tantukrat iyo wafti ay hogaaminayso oo Somaliland u yimid sidii uga caawin lahaayeen Ciidanaka badda Somaliland samato-bixinta markab iyo shaqaale ay dawladda Tailand leedahay oo ku xanniban biyaha ay wadagaan Somaliland iyo Jabuuti, iyo sidii ay Somaliland iyo Thailand uga wada-shaqyan lahayeen arrimaha badaha iyo shaqaalaha dalkaasi ee ku sugan biyaha Somaliland. Taliyaha guud ee Ciidanka badda Admiral Axmed Hurre Haariye ayaa soo dhaweeyey waftigan, isla markaana sheegay inay Somaliland diyaar u tahay wada-shaqaynta iyo iskaashiga wadamada dunida ee dhinaca amaanka iyo tageerada badaha gaar ahaana shaqaalaha iyo maraakiibta waddankaasi uu ku sugan biyaha gacanka Cadmeed. Related posts:“Kulmiye iyo Waddani Waxay Ku Soo Ololeeyeen Qabyaalad, Kii Waayayna Shirbuu Qabtay Kii Kalena Madax... DAAWO ;Dawaynaha Reer Wajaale Oo ka Dayriyay Halis Caafimaad Oo ka Iman Karta Qashin Buux Dhaafay Iy... Ku Xigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Oo Daahfuray Kulan Lagu Gorfeynayey Maamul Wana... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|