|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Cisbitaalka Ku Booqday Ciidamadii Kusoo Dhaawacmay Dagaalka Laascanood
February 10, 2023 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaraanka ee Birjeex.waxaanu inta badan dul-istagay bukaan jiifka oo dhan, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood. Isla markaarna waxa u Madaxweynuhu mid mid u gacan qaaday geesiyaashii Qaranka ee ku soo dhaawacmay Laascaanood, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, dhakhaatiirtii u adeegaysayna madaxwaynuhu wuxuu u sheegay in ay dawladu waxwalba u hurayso daryeelkooda caafimaad. waxaana uu ugu duceeyay in illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo, kuwii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadkana naxariistii janno Alle ka waraabiiyo.
Sidoo kale Madaxwaynhu waxa u cadeeyaay in geesiyaasha Qaranaka ee dhawaaca ah dawladdu u hurayso wax walba daryeelkooda caafimaadkooda ismalarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.
Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyaay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysaba. Wa-bilaahi tawfiiq Related posts:Madaxwayne Kuxigeenkii Hore Ee Jsl OoKka Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Baaq Culus Oo Uu Udiray B... Madaxwaynaha Somaliland Anigu Tageero Ayaan Ka Haystaa Dadka Leh Madaxwaynaha Iyo Muuse Biixi Ayaa I... DAAWO; Heesta Cusub Ee “Samirku Ma Hungoobo ” Codkii Asma Love Iyo Ereyadii Abwaan Sakariye Awaare; COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|