Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Dhaariyay Xubin Buuxinaysa Jago Ka Bannaanaatay Golaha Guurtida Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Dhaariyay Xubin Buuxinaysa Jago Ka Bannaanaatay Golaha Guurtida Somaliland!
February 12, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12/02/2023, dhaariyay Khaalid Farxaan Ciise Ubaxle, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.

Xubinta la dhaariyay ayaa buuxiyay, jago uu banneeyay Alle ha u naxariistee marxuum Farxaan Ciise Ubaxle, taasi oo Golaha Guurtidu ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, mudane Khaalid Farxaan Ciise, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu Qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo dhaariyay.

ALLAA MAHAD LEH

 

COMMENTS
LINKS