Ex Wasiir Axmed Muumin Seed Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Joojiyo Ciidamada Uu Ku Cabsi Galinayo Dhalinyarada Gobolka Awdal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ex Wasiir Axmed Muumin Seed Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Joojiyo Ciidamada Uu Ku Cabsi Galinayo Dhalinyarada Gobolka Awdal.
February 4, 2023 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Wasiirkii Hore ee Wasaarada Beeraha Somaliland Axmed muumin seed ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxuu si adag ugaga soo horjeestay ciidamo maalmihii udanbeeyay xukuumada madaxwayne biixi ku daad guraysay gobolka awdal isagoo sheegay in aan cida xoog lagu cabudhin Karin aragtidooda bulshada reer Somaliland ku kala duwan tahay abtirsiinta Snm.

Sidoo kale Ex Wasiir axmed muumin seed ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay in uu joojiyo cabudhinta iyo argagax galinta uu ku hayo dhalinyarada gobolka awdal isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi;

“Fariin Furan oo ku Socota Madaxwaynaha Qaranka Somaliland

1.Madaxwayne dalku waa dal ay wada daganyihiin dad kala duwan Aftirsiin islana ogol dawladnimadda somaliland hasayeshee iskuma wafaqsana SNM sidaas awgeed waa inaad ogsonaantaa hadii la hanan waayo dadka daga goboladda darafyada waxa khatar ku sugan jiritaanka somaliland

2.Madawxayne waa in aad ogsonaataa  in aan marnaba  lagu kasban karin dadka reer Awdal cabudhin, ciidamo iyo awood, haddii awood lagu xajin karo dad, somaliland kamay tagteen somaliya

3.Madaxweyne Kadaa Cabudhinta iyo ciidamadda dhaliyarada Gobolka Awdwal aad u dirtay Ee si ay Cadow la dagalamayaan Gawaaadhida Hubaysan Lagu Argagax Galinayo, Ogowna Arinta laascanood ee faraha kasii baxaysa waxay ka bilaamatay Sidaas Dhaliyarada Awdal Oo Kale,

4.Madaxwayne waxaan ku xasusinayaa gabay uu hore utiriyey abwan gaariye oo tilmaamayey waxa dhici doona waxa uu yiri;-

♤Dharar baa iman doonta

♤ dadka sool iyo awdal

♤ee adanow hagrateen Raacdadoodu adkaato lagu raadsho ilays

abwaan gaariye AHN.

Wasiirkii hore ee wasaarada Beeraha jsl Axmed Muumin seed ayaa sidaasi yidhi.

COMMENTS
LINKS