“Waa Munaafaq Qofka Ku Odhanaya, “Somaliland Xaq Bay ULeedahay Inay Aayaheeda Ka Tashato” Ee Aan Odhan Karayn “Dadka Reer Sool Xaq Bay Uleeyihiin..”Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waa Munaafaq Qofka Ku Odhanaya, “Somaliland Xaq Bay ULeedahay Inay Aayaheeda Ka Tashato” Ee Aan Odhan Karayn “Dadka Reer Sool Xaq Bay Uleeyihiin..”Abwaan Weedhsame.
January 1, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” oo kamid ah Hal Abuurada dhalinyarada Ah ee ugu caansan Gayiga somaliland iyo ka somalida ayaa  qoraal uu bartiisa Facebookga ku baahiyay  kaga hadlay qadiyada gobolka sool ka taagan, isagoo ka hadlaya wuxu yidhi.

“Waa Munaafaq Qofka Ku Odhanaya “Somaliland Xaq Bay u Leedahay Inay Aayaheeda ka Tashato” Ee Aan Odhan Karayn “Dadka Reer Sool Xaq bay Uleeyihiin Aayo Ka Tashigoodu”

Midna ogow, Dawaladdu waxay shacab ku maamuli kartaa rabitaankooda. Haddii aanay ku rabin, xoog iyo cudud cidina cid kuma maamuli karto.

Anigu qaddiyada Somaliland  waan aaminsanahay, balse ma qabo inay tahay wax qofka aan rabin lagu sandullayn karo oo qasab lagaga dhigi karo.

COMMENTS
LINKS