Mid Kamid Ah Beelaha Dega Gobolada Maroodi Jeex Iyo Hawd Oo Kulan Lagaga Arinsanyo Diwaangalinta Ku Yeeshay Magaalada Hargaysa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mid Kamid Ah Beelaha Dega Gobolada Maroodi Jeex Iyo Hawd Oo Kulan Lagaga Arinsanyo Diwaangalinta Ku Yeeshay Magaalada Hargaysa!
January 2, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N0-kulan ay Iskugu yimaadeen Siyaasiyiinta. Cuqaasha. Haweenka iyo dhalinyaradda  Beelwaynta Yaasuf isaaq Ee Dagta Goboladda Maroodi-jeed Hawd iyo Balay-cabane ayaa Xalay kulan ay isugu yimaadeen  Hotel Maansoor ee magaaladda Hargaysa ayaa waxay fariin  wacyigalin ah u direen bulshada u  Uguna Baaqay inay Qaataan kaadhka Codbixinta kana Faa’iidaystaan Fursadda Kaadh Qaadashadda.

Qaar ka mida siyaasiyiinta.Odayaasha. Waxgaradka. Haweenka iyo Dhalinyaradda oo Xalay Madasha ka Hadlay Ayaa Dhamaantood Iska Daba Maray in kaadh Qaadashadu Tahay Xuquuq uu Muwaadinku Leeyahay oo Datuuri ah waxaanay Carabka ku Adkeeyeen in Loo Baahanyahay In Qof walba Kaadhka Qaato.

Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska jsl Mudane C/rashiid oo kulanka Soo Xidhay ayaa Ka Sheekeeyey ahmiyadda wayn Ee ay Leedahay Isdiwaan galintu iyo Tartanka ay ku jiraan Degmoyinka Dalku loona Baahnyahay in Qof kasta oo Balay-Cabane iyo Hargaysa ka soo jeedaa Xil iska Saaro inuu Kaadhka Codbixinta Qaato.Maadaama ay Tahay Furasad. Bulshaduna Xil iska saarto kana Faaiidaysto/

https://youtu.be/52rmXVNGuDY

COMMENTS
LINKS