Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Laascaanood Iyo Nuxurka Kulan Uu La Qaatay Madaxda Dawlada Ee Ku Sugnaa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Laascaanood Iyo Nuxurka Kulan Uu La Qaatay Madaxda Dawlada Ee Ku Sugnaa!
January 19, 2023 - Written by Editor:

LAASCANOOD(W,N)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Cabdirisaaq Khaliif Axmedi, wuxuu kulan la qaatay Weftiga Golaha Wasiirada ee uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamd Kaahin Axmed iyo Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa is Xogwaraysi  ayaa ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Sool, waxaana kulankan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed  iyo Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye.

 

COMMENTS
LINKS