Dawlada Itoobiya Oo Ka Baxday Heshiish Ganacsi Oo Ay Wada Galeen Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Ka Baxday Heshiish Ganacsi Oo Ay Wada Galeen Somaliland!
January 4, 2023 - Written by Editor:

WAJAALE(W,N)-Dawlada fadaraalka Ee Itoobiya ayaa gabi Ahaanba ka baxday Heshiish ganacsi oo ay hore ukala sexeexdeen Somaliland Iyo Itoobiya kaasi oo Ahaa khudaarta Somaliland uga timaada dalka itoobiya kadib markii ay ganacsatada reer Somaliland ee dalka itoobiya kasoo waarida khudaartu Ay ka cawdeen Tacriifan cusub oo Ay dawlada itoobiya kusoo rogtay khudaarta uga tagta Somaliland Iyo Jabuuti iyadoo badashay tacriifadii hore ay ganacsatadu wax kaga soo qaadan jireen taasi oo abuuray khilaaf udhexeeya dawlada itoobiya iyo ganacsatada Somaliland.

wafti ka socday dawlada itoobiya oo safar la xidhiidha arimahaasi ku yimid Somaliland mudo haatan laga joogo shan bilood ayaa Heshiishka ganacsi oo cabashada ganacsata reer Somaliland ee khudaarta iyo qaadka ka keena itoobiya ayaa waftigan itoobiya ka socday waxay heshiish ganacsiga oo lagu xalinayo khilaafka ka yimid tacriifada ay ku kordhisay khudaarta la sexeexdeen xukuumada Somaliland  kaasi oo  ka qabsoomay caasimada Somaliland Ee  hargaysa iyadoo dawlada itoobiya Ay ka laabatay  tacriifadii cusub ee ay ku kordhisay cashuurta laga qaado khudaarta loo soo dhoofiyo Somaliland, kuna celisay tacriifadii  hore ee ay ganacsatada Somaliland ku cashuuran jireen khudaarta.

dawlada itoobiya ayaa hada ka baxday heshiishkii ganacsi ee ay somalland la sexeexatay ee dhinaca khudaarta iyadoo tacriifadii khudaarta ku celisay tii hore ee laga heshiiyay taasi sobobtay In labadii cisho ee udanbeeyay keentay in ay isyaagto khudaarta Somaliland uga iman jirtay dalka itoobiya.

Qaarkamid ah ganacstada reer Somaliland ee dalka itoobiya ka keena khudaarta ayaa noo sheegay in aanay qaadi karin tacriicfada cusub ee ay dawlada itoobiya dul dhigtay maadama ay marka horeba haysteen culaysyo kale oo la xidhiidha dhinaca isku socodka oo mudooyinkii danbe ay ku hayeen dawlada itoobiya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dawlada itoobiya oo ay faah faahin ka bixisay sobobta ay xiligan Uburburisay  heshiishkii ganacsi ee udhexeeyay Somaliland  oo ah dal uu udhexeeyo heshiish ganacsi iyo mid abniba iyo wada shaqayn.

Somaliland ayaan dhankeeda wali ka hadal waxa iska badalay xidhiidhkii labada dalka iyo sobobta dawlada itoobiya dhinaceega uga laabatay heshiishkii ganacsi ay kala sexeexdeen labada dal,

Talaabada ay dawlada itoobiya qaaday ee ay kaga baxday heshiishkii ganacsi ee udhexeeyay Somaliland ayaa ku soo beegmaysa xili ay dhawaan caasimada ismaamulka somalida itoobiya ee jig jiga ay ku shireen kooxo kasoo horjeeda Qarannimada Somaliland Iyo midnimada shacabka Reer Somaliland oo farogalin siyaasadeed ku sameeyay gobolada taasi oo hada shirqooladii jig jiga Somaliland loogu soo maleegay  ay fidno ka abuureen gobolka sool oo hada ay ka taagan tahay xaalad iyo iska horkeen shacabka iyo dawlada ah oo hordhac u ah midhihii kazoo baxay shirkaasi ee kooxihii duulaanka ku ah Somaliland ee ku shiray ismaamulka somalida itoobiya kiciyeen taasi oo ilaa hada aanay wax ka garowshiiyo ah oo muudqa aanay ka bixin dawlada fadaraalka itoobiya

WIXII KASOO KORDHA ARIMAHAN KALA SOCO WARARKEENA DANBE.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS