|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab Damiska Caasimada Oo Damiyay Dab Ka Kacay Guri Fooqa Oo Ku Yaala Magaalada Hargaysa!
January 6, 2023 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa u gurmaday guri Fooqa oo dab qabsaday kaasi oo ku yaala xaafada Half-london ee degmada Axmed Dhagax.
Alle mahadii Ciidamada ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ku fidiyay guryihii kale ee jaarka. Ma jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho oo dabkaasi sababay. Waxaa hawlgalkaa ciidanka dabdemiska kuwehelinaayay ciidamada Booliska. Sababta dabkaasna waxaa gacanta ku haya ciidanka Booliska. Ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaan bulshada inay ka taxadaraan halista dabka, sidoo kalena ka feejignaadaan wax kasta oo dhalin kara dab.
Related posts:Maareeyaha Wakaaladda Biyaha oo Sheegay In La Dhameeyay Beebabkii Cusbaa Ee Biyaha Geed-deeble Soo G... DAAWO; DHACDO NAXDINLE: Soo Kaalmee Una Gargaar Wiil Isagoo Seexday Indho La'aan Kusoo Toosay.. Daaw-"Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Waxa Uu Igu Eedeeyey Hogaamiye Kooxeed Waxanu Leenahay Waa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|