Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani Oo Siyaabo Kale Duwan Uga Hadlay Kulan Layeesheen Komishanka Doorashooyinka Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani Oo Siyaabo Kale Duwan Uga Hadlay Kulan Layeesheen Komishanka Doorashooyinka Jsl.
December 12, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xisbiyada Somaliland ee kulmiye ,waddani iyo Ucid ayaa maanta kulan la qaatay komishanka doorashooyinka Somaliland kaasi oo lagaga wadda hadlayay sidii loo hirgalin lahaa diwaangalinta codbixiyayaasha taasi oo loo mudeeyay in ay dalka ka qabsoonto 28/12/2022.

Hadaba xisbiyada waddani iyo kulmiye ayaa warsaxaafdeedo kala duwan oo ay soo saareen kaga hadlay kulan ay la qaateen komishanka iyo arimaha ay ka wada hadleen.

WAR-SAXAAFADEED 12/12/2022

Ujeeddo: Kulankii Komishanka Doorashooyinka iyo Xisbiyada Qaranka JSL

Kulan maanta dhexmaray Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo xisbiyada Qaranka dalka, waxa lagaga wadahadlay bilowga hawsha Diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland oo loogu diyaargaroobayo doorashooyinka soo socda ee ay ugu horrayso doorashada Ururrada Siyaasadda.

Komishanku waxay ku wargeliyeen xisbiyada in Diiwaangelinta Codbixiyayaashu bilaabmayso 28ka December 2022, Sidii horeba shalay (11/12/2022) uu Madaxweynaha Qaranku wareegtada ugu soo saaray, isla markaana waxay ku eegtahay 28 January 2023.

Diiwaangelintani waxay u furan tahay inay ka qaybgalaan qaybo bulshada reer Somaliland ka mid ah sida:-

1;Da’yarta qaangaadhay wixii ka dambeeyey diiwaangelintii hore.

2;Dadka aan fursadda u helin diiwaangelintii hore.

3;Dadka ay ka lumen kaadhadhkoodii codbixinta ee hore.

4;Dadkii hore isku diiwaangeliyey laakiin aan qaadan kaadhadhkoodii oo hadda fursad u haysata inay qaataan.

5;Dadka goobihii hore ee ay iska diiwaangeliyeen hadda u baahan in laga beddelo.

Haddaba, Xisbiga KULMIYE waxa uu ugu baaqayaa guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana bah-waynta Xisbiga KULMIYE inay ka qaybgalaan is-diiwaangelinta oo ah xuquuq muwaadin kastaa gaar u leeyahay, uguna diyaargaroobaan doorashada u soo horreysa ee Ururrada Siyaasadda.

Xisbiga KULMIYE waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isku-tashiga uu gaadhsiiyey qabashada arrimaha Doorashooyinka iyo diiwaangelinta ee dhinaca Dhaqaalaha, isagoo Miisaaniyadda Qaranka ka bixiyey doorahadii hore ee Isku-sidkanayd iyo kharashka hadda lagu qabanayo diiwaangelinta.

Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Cabdinaasir Muxumed Buuni

Warsaxafadeedka xisbiga Waddani;

 

COMMENTS
LINKS