|
|||||
WAJAALE NEWS
“Xadhiga Ahmed Maxamed Daa,uud Waa Barmadow, Oo Ku Taal Xukuumada Talada Haysa, Haday Bilays Yihiin Iyo Qaybaheeda Kaleba”Xil. Maxamed Jaamac.
December 12, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Maxamed Jaamac Liibaan Oo katirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa cambaareeyey Xadhiga xukuumadu kula kacday Axmed Maxamed Daa,uud Oo mudo ku xidhan Magaalada Hargeysa. Waxaanu qoraalkiisa Xildhibaanku Ku Yidhi “Xadhiga Siyaasi Ahmed Daud waa barmadow oo ku taal Xukuumada talada haysa, haday bilays yihiin iyo qaybaheeda kaleba Qaabka loo qabtay wuxuu la mid ahaa sida kuwa argagixisada loo qabto, waxa loo gaystay jidhdil anshaxa bilayska ka baxsan, waxa loo soo dhacay Guriga xildhibaanadu leeyihiin oo aan anigu ka masuul ahay isaga jooga. Looma soo qaadan wax waaran ah oo guriga lagu soo galo iyo mid isaga lagu xidho toona. Waxaanu u sheegayna Xukumada inaanay Guul siyaasi ah ka gaadhayn xadhiga noocaas ah ee aan ku dhisnayn Sharci iyo sharaf toona, wixii laga dhaxlaana u sumcad daro iyo ceeb u keeni doono” COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|