|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxaan Aad Uga Xumahay Oo Aan Halkan ka Tacsiyeynayaa, Dhibaatadii Ka Dhacday Magaalada Laascaanood Shalay Iyo Habeen Hore”Madaxwayne Biixi.
December 28, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si adag uga hadlay dilalka soo noqnoqday ee ka dhaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo tacsiyeeyey geerida ku timi marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) oo ay habeen hore dablay hubaysani ku dileen gudaha laascaanood iyo xubno kale oo maalintii shalay ku geeriyooday rabshado gudaha magaalada ka dhacay, waxana uu yidhi,“Waxan aad uga xumahay oo aan halkan ka tacsiyeynayaa Somaliland oo dhammina ka xun tahay dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood shalay iyo habeen hore. Shalay waxa buuqii laascaanood inagaga dhintay saddex qof, waxana inaga dhaawacmay Sagaal, waana mushkilad naxdinteeda leh oo aynaan filayn, waana la qaybsanaynaa xanuunkii ay dadkaasi ka dhinteen, meel ay joogaanba, arrinaas soo noqnoqotay ee haldoorka laascaanood lagu beegsanayaana waa arrin u baahan in wada-jir isugu wada tagno ee helno halka ay ka socoto.” Related posts:Khabiir Bartay Cilmiga Macdan soo Saarista Oo Wasiirka Macdanta ku Eedeyey in uu Lunsaday Malaayiin ... Daawo:Suldaan Maxamed C/qaadir Iyo Abwaan Axmed Saleebaan Bide Oo Duray Xukuumada Si Wayna Uga Soo H... Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Roobkii Hargeysa Ka Da'ay iyo Digniin Uu Diray COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|