|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururrada Siyaasadda Ee Somaliland Oo Aqoonsi Ka Raadinaya Komishanka Doorashooyinka Jsl!
December 7, 2022 - Written by Editor:Ururrada Siyaasadda ee Somaliland ayaa markii labaad warqad u diray Guddida doorashooyinka Somaliland, oo wakhtigan ku mashquulsan diyaarinta hawlaha diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka iyo wacyi gelinta diiwaan gelintaasi. Ururrada Siyaasadda ee dhawaan loo gudbiyey Komishanka doorashooyinka, ayaa u muuqata kuwo ka raadinaya Guddida doorashooyinka in ay u aqoonsadaan in ay yihiin daneeyayaal ka mid ah kuwa doorashooyinka, madaama oo ay hore u jireen daneeyayaal saddexda Xisbi ah. Komishanka doorashooyinka ayaa weli u jawaabin Ururrada siyaasadda ee danaynayaa in ay qayb ka noqdaan hawlaha ay wadaan Komishanku. Komishanka ayaa la weriyey in ay ka cago jiidayaan la kulanka Ururrada Siyaasadda, iyaga oo iska fogaynaya in ay qayb ka noqdaan murannada dhinaca siyaasadda ee dalka ka taagan in ay qayb ka noqdaan, maadaama oo aanay jirin illaa imika doorashooyin daneyayaashu isku raacsan yihiin in la qabto, balse dhinacyadu mid walba doonayo mid uu doonayo in la soo horeysiiyo. Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaan ilaa imika ka hadal doorashada Ururrada Siyaasadda, maadaama oo loo gudbiyey Liiska Ururradii soo gudbay ee doorasho sugayaasha ah. Dhinaca kale, Komishanka doorashooyinka ayaa hore u sheegay in ay muddo sagaal bilood ah ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada, iyada oo sagaalkii bilood laba ka mid ah tageen, tii saddexaadna lagu jiro. QORE; SALEEBAAN SAXAN SAXO. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|