|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaybo Kamid Ah Ciidamadii Somaliya Ee Eritrea Ku Maqnaa Oo Muqdisho Kasoo Degay!
December 21, 2022 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa shaaciyay inay maanta dalka kusoo laabteen qaar katirsan ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka kusoo qaatay dalka Eritrea. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa maalmo kahor sheegay in dhammaadka bishaan December ay billaabanayso keenista ciidamada Eritrea ku maqan, isagoo tilmaamay qeybta ugu dambeysa inay imaan doonaan bisha koowaad ee sannadka cusub. Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab, howlgalladaas oo hadda laga gaaray guulo waawayn oo taariikhiya. Related posts:DAAWO; Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Ka Hadlay Dilkii Ka Dhacay Deegaanka Ceel Afwayn Iyo fariin Culus... Hogaanka Cusub Ee Dalladda SONYO Oo Xaflad Balaadhan Xilkii Kagala Wareegay Hogaankii Hore Ee Dalad... Udiyaar Garowga Ciyaaraha Gobolada Somaliland Oo Siwayn Uga Socota Garoonka Caasimada Hargaysa, COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|