Meherkii Inan Uu Dhalay Madaxwaynaha Jabuuti Oo Kulmiyay Madaxda Somaliland Iyo Somaliya + Bixintii Inanta Ee Madaxwayne Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Meherkii Inan Uu Dhalay Madaxwaynaha Jabuuti Oo Kulmiyay Madaxda Somaliland Iyo Somaliya + Bixintii Inanta Ee Madaxwayne Biixi.
December 8, 2022 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan dalka Jabbuuti, ayaa ka qaybgalay Munaasibad dhaqan, waxaana dhaqanka Soomaalida ka mid ah in innanta ay bixiyaan Abtiyaasheed, sidaa daraadeed ayuu, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u bixiyey Marwo Haybado Ismaaciil Cumar oo uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo u wakiishay dhiggiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi bixinta innanta uu Abtiga u yahay ee maanta meherkeedu ka qabsoomay dalka Jabuuti.

COMMENTS
LINKS