“Markii Talo Meel La Dhigo, Muxuu Umarooriyaa, Meel Daran Uu Uga Shaxaa”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Markii Talo Meel La Dhigo, Muxuu Umarooriyaa, Meel Daran Uu Uga Shaxaa”Siyaasi Cali Guray.
December 17, 2022 - Written by Editor:

Komishanka Doorashadu amarka Muuse Biixi ama Madaxwayne ay ku shaqeeyaan way qabaan amarkii oo maalintii sadexdii xubnood ee dambe la dhaarinayay amar cad buu siiyay. Wuxu faray in doorashada ururda ay marka hore qabtaan. Ka dibna sadexda soo baxa ay u qaban doonaan doorashada madaxtooyada. Hadii Komishanku amar Madaxwayne ku shaqeeyaan wuu qabaa komishanku amar madaxwayne.

Hadii uu yahay komishan madaxbanaan oo dhex u ah dhinacyada tartamaya hawshooda iyaga ayaa u xilsaaran eh farogelinta ha ka daayo oo sharciga ha u hogaansanaado isga laftiisu hadii kale uu goor iyo ayaan faraha kula jiro tuhun baa iman oo way lumin kalsoonida saamilayda doorashada madaxtooyada hadii ay yihiin daneeyayaasha shisheeyaha ah iyo hadii ay yihiin xisbiyada mucaaridkaba oo ah dhinacyadii taageeray muddadii ay sheegeen in doorasho ay ku qaban kraan. Doorashada ay ka hadlayeenna laguma muransana ee waa ta madaxtooyada ee aanay jirin wax ka dhiman sharcigeeda. Taas oo ay hawsheeda kala wareegeen komishankii hore.

Hadaba Labaclabacdan kale iyo isyeelyeelkan oo dhan waa la fahmi karaa oo waa shuqul doorasho-diid weliba ay u dheer tahay ILA MEERAYSO si aan wax doorasho ahi dalka uga qabsoomin, isaguna kursiga iskaga fadhiyo. Ciddii waa sidee tidhaa ama tiisa ka hortimaadana xalka uu garanayo ee keli ahi waa “xadhig iyo xabbad” aan cidna wax dan ahi ugu jirin isagana ku dhehoo

COMMENTS
LINKS