|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Digreeto Ku Cayimay Wakhtiga Ay Bilaabayso Diwaangalinta Codbixiyayaashu.
December 11, 2022 - Written by Editor:Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland ayaa la bilaabayaa Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Xeer MADAXWEYNE-11-12-2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 18/122022 Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020; Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka; Waxaan Go’aamiyey; In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Related posts:Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Fariin Adag u Diray Madaxweynaha Somaliland, Una Soo jeediyey Inuu Badba... DAAWO;-Waxgarad Si Qiiro Leh Uga Hadlay Qoys Dhawaan Guri Ku Dumay Hargaysa Ku wada Geeriyooday Oo W... Madaxwaynaha Jsl oo SI Adag uga Hadlay Haldalkii Xasan sh .Midnimadii Somalia way fashilantay diyaar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|