|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Digrayto Ku Dhaqan Galiyay Miisaaniyada 2023.
December 19, 2022 - Written by Editor:”WAREEGTO MADAXWEYNE Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-966/122022, ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2022, Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF- 04/956/2022 ee ku taariikheysan 03/12/2022, kuna ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2023-ka. Waxaan Soo-Saaray; Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Hay’adaha Madaxa- bannaan ee Dawladda iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH= 3,581,440,706,340/= (Saddex Tirilyan, Shan Boqol Kow iyo Siddeetan Bilyan, Afar Boqol iyo Afartan Milyan, Toddoba Boqol iyo Lix Kun, Saddex Boqol iyo Afartan Shillin Somaliland ah). Miisaaniyaddu waxay dhaqan-gal noqon doontaa 01 January 2023. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Related posts:Xukuumadda Somaliland oo aqoonsatay koox dibad wareeg ahayd una wakiilatay xubno ay madaxwaynaha isk... Dadwaynaha Reer Burco Oo Caawa Isugu Soo Baxay Banaan Bax Ay Ku Taageerayaan Ciidamada Qaranka Jsl. Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xamarje Oo Si Diiran Loogu Soo dhaweeyay Madaarka C... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|