Hoggaanka Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka Gobolka Awdal! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoggaanka Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka Gobolka Awdal!
December 30, 2022 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Musharraxa madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa madaxweyne Xigeen Mudane Maxamed Cali Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Masuuliyiin kale oo xisbiga katirsan iyo xildhibaanada Xisbiga ayaa magaalada Boorama habeenimadii xalay kulan kula qaatay madaxda dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Awdal.

Kulankan ayaa Ujeedadiisu ahayad  is xog waraysi xaaladda dalka ayaa sidoo kale lagu xoojinayay sidii bulshadu si buuxda isugu diwaangelin lahayd kaadhka codbixinta.

COMMENTS
LINKS