|
|||||
WAJAALE NEWS
“Hadii Xisbi Urur Noqdo Dameerona, Waylo Way Dhali….”Siyaasi Cali Guray.
December 12, 2022 - Written by Editor:Guntaba ha gaadhaan eh tobankan urur siyaasadeed waxba kama dhexeeyaan xisbiyada mucaaridka eh bal madaxwaynihii wax u sheegay ha waydiiyaan sadexdan sua’aalood in jawwab shaafida uu ka siin karo iyo in kale: 1.Doorashada ururada goorma ayaa la qabanayaa? 2.Doorashada ururada halkee laga qabanayaa ma dalka oo dhan? 3.Doorashada ururada yaa qabanaya ee sharcigu ku Waajibinayaa in ay qabato? Sadexdaa sua’aalood midna Muuse Biixi jawaab uma hayo ilaa Hadda. Hadaa maxay ku rumaysteen in doorasho ururo ay Qabsoomayso ka hor doorashada madaxtooyada? Jawaabtu Iyaga ayay u taal balse garo oo laftoodu jawaab uma hayaane Waxa ku filaaday sadaxdan xisbina ururo idinla siman bay Noqonayaan oo Somaliland markii ugu horaysay ma jirayaan sadex xisbi qaran ee bilaa xibiyo ayay ahaanaysaa ilaa…… Taas oo si toos ah uga horimanaysa dastuurka Somaliland! Marka sharci laga hadlayo “URURO AYAA XISBIYO NOQDA EE XISBIYO MA NOQDAAN URURO. Waa hadii la raacayo sida uu yahay ruuxa dastuurku (the spirit of the constitution). Hase yeeshee xiliga ayaa ka duwan xiliyadii oo waxa kursiga madaxwaynaha ku fadhiya Muuse Biixi. Markaa wax kasta waa laga fili karaa xilga Muuse oo xataa dameeraa waylo dhalayna waynu maqli. Abwaankii abwaanadu waa kii lahaa: In dhawayd guhaankii, Gulcub buu dhalaayoo Gorgor iyo wax yaabliyo, Tuke hilib gadaayiyo Xuunsho geel la joogtiyo, Golli heeryo sidatiyo Rati gorod madow iyo, Geesoole boqoriyo Saadaal gurracanoo, Gurran waa la filayee Ninkii beesha soo galay, Gondo dhigashadiisii……… (Maansada Taawilo. Hadraawi AHN). SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”
Related posts:Khataraha Siyaasadeed Ee Ku Lamaan Mashruuca Farmaajo Cabdiraxman Caynte Ee Fursad Fund Oo Hargeysa... DAAWO;-Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Qorshaynta Jsl Oo Maalmo Kadib Ka Dareen Celiyay Xilka Loo Magac... Gudoomiyihii Hore Ee Xuquuqal Iisaanka Somaliland Oo Si Adag u Canbaareeyay Falkii Lagu Weeraray Gu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|