Gudoomiye Kuxigeenka Urur Siyaasadeedka SPP Oo Soo Dhaweeyay Wareegtada Madaxwaynaha Jsl Kusoo Saaray Diwaangalinta Codbixiyayaasha! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Kuxigeenka Urur Siyaasadeedka SPP Oo Soo Dhaweeyay Wareegtada Madaxwaynaha Jsl Kusoo Saaray Diwaangalinta Codbixiyayaasha!
December 11, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland ee SPP Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi “Timo” ayaa soo dhaweeyay wareegtaa madaxwaynaha ku dhaqan galiyay in Diwaangalinta Codbixiyayaasha Somaliland dalka ka bilaabantan 28/12/2022 taasi uu ku tilmaamay mid muhiim u ah qaranka udiyaar garowga doorashooyinka.

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka Ururka Shacabka ayaa baaq udiray guud ahaan shacabka Somaliland iyo taageerayaasha ururka SPP oo uu soo jeediyay in ay isdiwaangaliyaan islamarkaana qaataan kaadhka codbixinta.

Isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu Yidhi;

“Waxaan Soo Dhawaynayaa Diwaangalinta Codbixiyeyaasha Ee 28/12/2022 ka bilaabmi Doonta Dalka JSL , Ee Maanta Madaxwaynuhu kusoo Saaray Wareegtada Ku Taariikhaysan 11-12-2022″Gudoomiye kuxigeenka Urur siyaasadeedka SPP.

Waxaan guud ahaan Shacabka reer Somaliland ee aan haysan kaadhka cod bixinta inay isdiwaan galiyaan oo ay qaataan kaadhka codbixinta si ay masiirkooda siyaasiga ah iyo xuquuqdooda dastuuriga ahba u gutaan.

Waxaan si gaar ah ugu baaqayaa dhamaan taageerayaasha Ururka Shacabka Somaliland (SPP) inay u diyaar garoobaan diwaangalinta soo socota ee bilaabi doonta 28/12/2022

Waxaan taageerayaasha ururka Shacabka Somaliland iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ka codsanaynaa inay ilaaliyaan nabad galyada iyo danta caamka ahba una diyaar garoobaan diwaangalinta.

Ugu danbayn waxaan halkan uga mahadcelinayaa taageerayaasha ururka Shacabka Somaliland SPP oo runtii sababay inaanu ka mid noqono Ururada u tartamaya Xisbiyada Qaranka JSL,

 

COMMENTS
LINKS