Dowladda Itoobiya Iyo TPLF Oo Oggolaaday In Gobolka Tigray Ay Tagaan Kormeereyaal Ka Socda Midowga Afrika | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Itoobiya Iyo TPLF Oo Oggolaaday In Gobolka Tigray Ay Tagaan Kormeereyaal Ka Socda Midowga Afrika
December 24, 2022 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa u safri doona gobolka Tigray ee Itoobiya si uu u kormeero heshiiskii nabadeed ee bishii hore ay kala saxeexdeen dowladda iyo Itoobiya iyo TPLF.

Mas’uuliyiinta federaalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ayaa goor dambe oo Khamiistii ah ku heshiiyey wadahadallo Nairobi ka dhacay in Midowga Afrika la siiyo fursad buuxda oo ay gobolka ku kormeeraan, taas oo la xidhiidha soo afjaridda colaadda laba sanno jirsatay.

Hoggaanka millatariga Itoobiya iyo wakiillada jabhadda Tigray People’s Liberation Front ayaa isku raacay in la dhiso koox kormeerayaal wadajir ah oo kormeera heshiiskii nabadeed ee la saxeexay bishii November.

Heshiiskan oo lagu kala saxeexday dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo afjaray dagaal socday muddo laba sanno ah oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo kooxda TPLF oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, oo sidoo kale qeyb ka ah kooxda dhexdhexaadinta, ayaa sheegay Khamiistii in dhinacyada dagaallamaya ay isku raaceen in la sameeyo guddi la socda heshiiska. nabadeed.

“Dhammaantood waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in kooxda la socodka iyo hubinta ee Midowga Afrika ay si buuxda u helaan, aragti buuxda oo dhinac kasta ah, si loo hubiyo in dhammaan qodobbada lagu heshiiyay dhab ahaantii la fuliyo,” ayuu yidhi Kenyatta.

COMMENTS
LINKS