Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Mursal Maxamed Odowaa Oo Katirsan Xisbiga Waddani! Iyo Xogaha laga helayo xadhigiisa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Mursal Maxamed Odowaa Oo Katirsan Xisbiga Waddani! Iyo Xogaha laga helayo xadhigiisa!
November 26, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Mursal Maxamed Odowaa Oo Katirsan xisbiga waddani Ayaa caawa fiidkii lagu xidhay magaalada hargaysa gaar xarunta Danbi baadhista ee  C.I.D

Xadhiga masuulkan ayaanay ka hadal sobobta keentay ciidamada amaanku Ee ay usoo xidheen iyo danbiga loo haysto toona.

Dhanka kale wararka aanu ka helay xadhiga xukuumadu kula kacday mursal maxamed odowaa ayaa sheegay in ay keentay dhawaan markii uu warbaahinta ka dhaliilay wasiirka isgaadhsiinta Somaliland cabdiwali sheikh cabdilaahi kaasi oo sobobay in la xidho islamarkaana uu xadhigiisa isagu ka danbeeyo

Talaabada uu wasiirka isgaaadhsiinta ku xidhay masuulkan ayaa noqonaysa mid uu ugu awood sheegtay shaadh dawladeed halka uu wasiirka dhawaanahanba dhaliilayay xisbiyada mucaaridka balse isaga xubintii xisbiga wadani katirsan ee ujawaabtay uu xabsiga dhigay

Xisbiga waddani ayaa lafilayaa in uu ka hadlo xadhiga sharci darada ah ee lagula kacay  mursal maxamed odowaa oo katirsan xisbiga waddani.

Hadalka uu hore wasiirka ugu dhaliilay masuulka la xidhay ayaa sidan ahaa;

 

COMMENTS
LINKS