|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Fariin Udirtay Beesha Caalamka Iyo Nuxurka Ay Xanbaarsan Tahay!
November 15, 2022 - Written by Editor:War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland beesha caalamka u xaqiijinayso in Somaliland tahay nabad iyo waddan xasilloon, oo aanay wax shaqaaqo ahi ka taagnayn waqti xaadirkan, sidoo kalena xuquuqda distuuriga ah ee muwaadiniintu ilaashantahay. Waxa sidoo kale war-saxaafadeedka Ayaa lagu sheegay in xukuumadda hadda Somaliland ka jirtaa tahay mid sharci ah oo qaab dimuqraaddi ah iyo doorasho lagu soo doortay. War-saxaafadeedkani wuxuu soo qaatay shirkii wasiirrada ee u dambeeyey, oo lagu go’aamiyey in doorashada lagu qabanayo jadwalka Komishanka Doorashooyinku asteeyey. Ugu dambayn, war-saxaafadeedkani wuxuu ugu baaqay mucaaridka iyo muwaadiniintaba inay shuruucda dalka u taalla raacaan, oo ay ka digtoonaadaan wax kasta oo khalkhal galinaya xasilloonida dalka sida qoraalka lagu sheegay. Related posts:Dawladda Sweden Oo Sheegtay Inay 7 Milyan Oo Euro Oo Ugu Tallo-gashay Gurmadka Abaaraha Somaliland ... DAAWO:Khasaare Nafeed Oo Ka Dhashay Dagaal Bada Ku Dhexmaray Ciidamada Somaliland Iyo Dawlada Jabuu... Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Abaalmarino Gudoonsiiyay Shaqaalihii Ugu Wanaagsanaa Dawlada Hoose. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|