|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxaa Layaab Leh Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Gobolka Ugu Magacaaban Wasiirka Gobolka Ama Qaranka, Inuu Maanta Noqday Wasiir Reer”Maayar kuxigeenka Gabiley.
November 21, 2022 - Written by Editor:Maayar kuxigeenka Gabiley Dr Cabdilaahi Ismaaciil Cabdi ayaa Eedo Culus ujeediyay wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo technolajiyada Somaliland Dr cabdiwali Sheekh cabdilaahi suufi oo uu ku eedeeyay in aanu ahayn masuul gobolka gabiley wada matala balse uu yahay wasiir reer islamarkaana wixii mashaariic ah ee xukuumadu fulinaysa Uu geeyay deegaanadiisa. Maayarka kuixgeenk gabiley ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan; Ma Wasiir Reer Mise wasiir Gobol. Mise Wasiir Qaran? Waxaan maanta ka qayb galay sadex mashruuc oo laga kala fuliyay degmada gabiley. Waxaa masharic daasi fulinaysay hayad phara foundation. Tasoo ay soo martay wasarada biyaha .wasirka biyuhuna uu ku wehelinayay hayada iyo wasirka is gadhsinta. Hadaba waxaa layaab Leh Wasirka Isgaadhsiinta Oo gobolka Ugu Magacaaban Wasirka Gobolka ama qaranka Inuu Manta Noqday Wasir Reer. Wayo masharicahaasi dhamantood meelo gaara ayuu geeyay . Degmada Alleybaday oo, ah degmada ay hoos imaadan 34 tuulo ayuuna wasirku hal mashruc gaynin. Waa wasiirka Uqaybin kari wayay Mashaariicaha dowlada dhexe ka imada ama hayadahaa soo. Dhex mara .degmooyinka oo ay ugu horeyso degmada alleybaday iyo kuwa lamidka ah ee ubaahan adeegyo bulsho. Maadama uu yahay wasirkii gobolka Masharicaha maanta la dhagax dhegay ee wasiirku geeyay meelo ugaara waxaa kamida; 1.;Ijaara oo dhaambiyood aad uwayn ka dhagax dhigay isagoo lakashanaya wasirka biyaha iyo phara foundation oo fulinaysay
3 ilinta yar dhaam biyood laga dhisay xadhigana laga jaiaray Hadaba waxaa is waydin leh alleybaday wasir umaha miyaa xitaa hal mashruc miyuu gayn kari waayay Wasirka xitaa hab qabilaysan usiinayay hadalka gobahaasi xildhibaanada Ana iga reebay liiskii hadalka. Waxaan leeyahay wasir cabdiweli Maalinta aad degankaga masharic ka fulinaysid Ayaad.timaadaa gobolka . Alleybaday oo mini dhamyar hayada FAO ka hergelisay xitaa kamad soo qayb gelin adiga iyo wasirka biyuhuba. Marka Gabiley na wad timadaa taasi waxay cadayn utahay Inaad tahay wasirkii ugu horeyay ee gabiley Ukala Abtiriyay kala qaybiyayna .. Oo kala dhigay Alleybaday iyo gabiley. Waxaan leyahay wasirka tarikhdaa madow ayaa ku xusi doonta. Wasiradii gabolka soomaray ee kasoo jeeday alleybaday gabiley way usinayd waxay geliyeena waa la ogyahay lakin Aduu waxad noqotay wasiir reer ??? Dhagax dhiga iyo xadhig kajarka meelo masharicaysan dawade.iyo makhraati ka noqon maayo. QORE; Maayar kuxigeenka degmada Gabiley Cabdilaahi Ismaaciil Cabdi Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|