Wafti Ka Socda Haayada Unicef Oo Kulan La Qaatay Maayarka Magaalada Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Ka Socda Haayada Unicef Oo Kulan La Qaatay Maayarka Magaalada Gabiley.
November 27, 2022 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Maanta Oo Ay Taariikhdu tahay 27/11/2022. Waxaa Safar shaqo ku yimid Degmada Gabiley Madaxa sare ee UNICEF Ee Somaliland Iyo Somalia Mrs Wafaa, ujeedada Safarkaas oo ahayd In kormeer lagu sameeyo dadaalada Horumarineed ee ka socda Degmada sida  maamul daadajinta Waxbarashada Iyo Caafimaadka.

Intii kulanku socday waxaa waftiga warbixin guud siiyey Gudoomiyaha Golaha Deegaanka, isagoo tilmaamay guulaha laga gaadhay maamul daadajinta iyo qorshaha horumarineed Ee mustaqbalka.

Dhanka  kale waxaa waftiga warbixin farsamo siiyey madaxda waaxyaha kala duwan iyagoo hoosta ka xariiqay halka laga soo bilaabay dadaalada horumarineed ee adeegyada aas aasiga ah.

Markii ay dhamaatay warbixinta Degmadu waxaa shirka ka hadlay madaxa u sareeya haayada UNICEF, waxaanay boorisay dadaalada guulaystay ee adeegyada maamul daadajinta waxbarashada iyo caafimaadka, waxaanay balan qaaday inay ka Haayad ahaan sii taageeri doonaan horumarkaas baaxada leh ee ka socda Degmada.

Ugu dambayn Dawlada hoose ee Degmada Gabiley waxay Abaalmarin siisay Madaxa u sareeya haayada UNICEF, sida hawlkarnida leh ee ay marwalba ula garabtaagan tahay horumarinta Degmada.

COMMENTS
LINKS