TPLF Oo Dowladda Eritariya Ku Eedaysay Inay Abaabul Ciidan Ka Wado Gudaha Gobolka Tigray! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TPLF Oo Dowladda Eritariya Ku Eedaysay Inay Abaabul Ciidan Ka Wado Gudaha Gobolka Tigray!
November 20, 2022 - Written by Editor:

MAQALE(W,N)-Jabhada TPLF ayaa dowladda Eritariya waxa ay ku eedaysay inay wado abaabul ciidan oo ka dhan ah heshiiska ay dhawaan ku gaadheen dalka Koonfur Afrika dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Warkan oo ay tabiyeen Warbaahinta ku hadasha Afka TPLF ayaa sidoo kake lagu sheegay in Ciidammada Eritariya ay bilaabeen duulaan hor leh iyo weeraro lagu hayo shacabka gobolka Tigray.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara warka ay baahisay Warbaahinnada kala duwan ee taageerta TPLF, sidoo kale dowladda Itoobiya iyaduna kama hadlin warkan kasoo baxay TPLF.

Hore waxay TPLF u sheegtay in ayna hubka dhigayn ilaa Ciidammada Eritariya ka baxayaan dhulka ay haystaan ee ka midka ah gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa iyaduna hore u qeexday in ayna jirin sabab ay Ciidamada Eritariya wakhti xaadirkan usii joogaan gobolka Tigray iyadoo heshiis nabadeed uu dhacay.

Bishan billowgeedii ayaa waxaa heshiis nabadeed gaadhay dowladda Itoobiya iyo TPLF kaddib dagaallo muddo aad u dheer ka socday Waqooyiga Itoobiya, balse waxaa wali la is weydiinayaa sida uu u fulayo heshiiskaas iyadoo TPLF heshiiska kaddib wali ay wax tabanayso.

COMMENTS
LINKS