|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkada Telesom Oo Shir Caalamiya Kaga Qaybgashay Dalka Taiwan.
November 24, 2022 - Written by Editor:TAIWAN(W,N)-Shirkada isgaadhsiinta casriga ee telesom ayaa qaaday talaabo muhiim u ah Somaliland taasi oo shir caalamiya kaga qaybgashay dalka Taiwan kaasi oo lagaga hadlayay arimaha ganacsiga Africa.
Shirkan oo lagaga hadlayay arimaha ganacsiga ee isgaadhsiinta casriga ayaa waxaa ka qaybgalay masuul ka socday shirkada telesom oo shiran kusoo bandhigay horumarka shirkada ee ganacsiga casriga. “Shirkadda Telesom waxay ku faraxsan tahay inay magaca Somaliland kaga qayb gasho shalay, Salaasa, 23 Nov, 2022 shirka caalamiga ah ee ganacsiga Afrika (Africa Business Forum – 2022), kaas oo uu sannad walba qaban-qaabiyo dalka Taiwan, gaar ahaan Bureau of Foreign Trade (BOFT), MOEA, TAITRA iyo Africa Taiwan Economic Forum (ATEF).
Shirkan waxa lagaga hadlayay HAYAANKA IYO FURSADAHA TIKNOOLAJIYADDA IYO WARSHADAHA (Digital and Industrial Trends and Opportunities). Shirka waxa ka qayb-galay waddamo badan oo Afrikan ah sida: Eswatini, Ghana, South Africa, DR Congo, Nigeria, Algeria, Somaliland, Egypt, Tanzania iyo Rwanda. Dhammaan waddamadaasi waxay soo bandhigayeen sida ay ugaga faa’iidaysteen tiknoolajiyadda dhinacyada horumarineed gaar ahaan e-Commerce & Digital Development, Medical Equipment, Security Industry, Manufacturing Sector, Renewable Energy (Solar & Wind), Agriculture & Food Processing.
Ugu dambayntii, Telesom waxay ku soo bandhigtay Shirkaasi horumarka TIKNOOLAJIYADDA & ISGAADHSIINTA SOMALILAND iyo geeddi socodka FACA 5AAD ama 5G ee Somaliland.
Related posts:“Dedaalo Way Jiraan, Laakiin Ma Jiro Wakhti Cayiman Oo Wada Hadalada Loo Qorsheeyay” Wasiirka Wasaar... Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe Waxa Uu Tacsi Udirayaa Reer Daa,uud Cigaal Geeridii Naxdinta Lahayd ... Gaadiid Qasaare Soo Gaadhsiiyey Wadada La Macmalay Ee U Dhaxaysa Kalabaydh Iyo Wajaale oo khilaaf ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|