Mudo Kordhinta Madaxweynaha Loo Sameeyay Kuma Fadhido Jidwalkii Doorashada Ee Komishanku Soo Saareen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudo Kordhinta Madaxweynaha Loo Sameeyay Kuma Fadhido Jidwalkii Doorashada Ee Komishanku Soo Saareen!
November 14, 2022 - Written by Editor:

Golaha Guurtidu Dalka Miyey Qasayeen Mise Xal Iyo Wanaag Bay Ka Shaqeynayeen?

10 April 2008 ayaa golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland u sameeyeen mudo kordhin sanad ah ( 1 sano ) madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadiisii.

Mudo-kordhintani ayaa ku timi ka dib markii komishanka doorashooyinka qaranka jamhuuriyada Somaliland u soo gudbiyeen madaxweyne Rayaale jadwal doorasho oo u dhigan sida tan;

in diiwaangelinta codbixiyayaasha ay u cayimeen in la dhammaystiro Oktoobar 4, 2008, doorashada Golayaasha Deegaankana la qaban doono 06 Oktoobar, 2008, doorashada Madaxtooyadana loo cayimay 31ka Dec. 2008. Waxana uu u tilmaamay Madaxweynuhu in Guurtidu waafajiso mudda-kordhinta Xeer No. 20/2001, xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka iyo xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.

Sidaa darteed, Golaha Guurtidu waxay Madaxweyne Riyaale u kordhiyeen muddo Sannad ah oo ku eg 06 May 2009, iyaga oo doorashada Madaxtooyadana dib u riixey, una cayimay 06 April, 2009.

Guurtidu xiligaasi waxa ay adeegsatay qodobka 83naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 5naad oo aan duruufaha lagu kordhinayo waafaqsanayn maadaama oo aanu jirin qodob dastuuri ah oo si cad u sheegaya mudokordhinta duruufaha doorashada.

Xiligaasi waxa ay ahayd mudokordhin sadexda xisbi qaran isla ogol yihiin maadaama jidwalka doorashooyinka ee komishanku doorashadu soo saaray uu ahaa mid ay kuwada qanceen , garawsadeena in aan doorasho xiligaasi horteed dhici karin.

Isku soo wada xoori khilaafka iyo muruga ka taagan xiliga doorashada madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo maanta 13 Nov 2022 ay ahayd in loo dareero doorashadii madaxweynaha 6aad ee jamhuuriyada Somaliland ayaa hadal ka taagan yahay.

Ka dib markii komishanka doorashooyinka qaranku cadeeyey 24-Sept-2022 in aanay doorashada madaxweynuhu xiligeedii ku dhacaynin ayaa waxa ay warqad ugu soo gudbiyeen madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland in ay doorashada ku qabanayaan 9 bilood gudahood oo ka bilaabma 1-Oct-2022 .

Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa uu u gudbiyey golaha Guurtida jamhuuriyada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooga dastuuriga ah oo ay u sharciyeeyaan mudada doorashada loo cayimay.

1-Oct-2022 ayaa golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland u sameeyeen mudo kordhin laba sanadood ah madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumadiisa, waxaana ay noqotay mudo kordhin aan xaqiiqada ku fadhiyin oo aanay cadeyn sababta mudada intaasi leeg loogu daray .

Haddaba waxa isweydiin leh golaha Guurtida jamhuuriyada Somaliland dalka miyey qasayeen mise xal iyo wanaag bay ka shaqeynayeen marka ay madaxweynaha u kordhiyeen laba sanadood oo aan sababaysnayn isla markaana aanay heshiis ku aheyn daneeyayaashii doorashooyinka iyo komishanka doorashooyinka qaranka ee qabanaya doorashadu ?

QALINKII Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS