|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamad Ku Taalla Dalka Maraykanka Oo Xabsi 26 Sanno Ah Ku Xukuntay Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisii Dilay!
November 30, 2022 - Written by Editor:WASHINGTON(W,N)-Nin Soomaali Ah Oo Lagu Helay Inuu Xaaskiisa Ku Dilay Magaalada Cleveland Heights Ee Gobolka California Ayaa Lagu Xukumay 26 Sano Oo Xabsi Ah. Maxamed Abidaaziz Keerow Oo 48 Jir Ah Ayay Xeer Beegtida San Diego Ku Xukuntay Horaantii Sannadkan Dil Darajada 1-Aad Ah, Isagoo Loo Haystay Geeridii Muna Salaad Kuru Oo 36 Jir Ahayd. Dilkeeda Oo Dhacay Sannadkii 2019, Ayaa Walaasheed Aamina Salaad Kuru Waxay Markii Meydka Walaasheed La Helay Ku Eedeysay In Uu Ka Dambeeyay Ninkii Qabay Muna. Maalmo Ka Dib Dhimashadeeda, Waaxda Bilayska San Diego Ayaa Kerow U Aqoonsaday Inuu Yahay Tuhmanaha Dilka Xaaskiisa, Waxaana Warsaxaafadeed Boolisku Uu Soo Saaray Ku Sheegay Inuu Baxsaday Lana Raadinayo Dilkeeda. Kerow Ayaa Laba Toddobaad Ka Dib Lagu Xidhay Dalka Panama, Halkaas Oo Uu Baxsad Ku Tagay. Muna Salaad Kuru Waxay Ahayd Ganacsato Lahayd Xarun Maalintii Lagu Haayo Carruurta Oo Ku Taalla Magaalladda San Diego Ee Dalka Maraykanka. Related posts:Dad Ku Eedaysan In Ay Ku Gafeen Madaxweyne Muuse Biixi Oo Siyaalo Kala Duwan Loo Ganaaxay Iyo Qof A... Daawo:Barnaamij Xiiso Badan Oo Wariyaha Caanka ah Ee C/salaam Hereri Ka Diyaariyay Magaalada Jijijig... Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Hadlay Sida Ay Isku Badaleen Rabshadihii Ka Taagnaa Magaalada Laascanood... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|