|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxay Ka Wadahadleen Abiy Ahmed Iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Dalka Maraykanku?
November 23, 2022 - Written by Editor:Adis Ababa(W,N)-Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken Ayaa shalay kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed dadaallada loogu jiro sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa Waqooyiga Itoobiya, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Xoghaye Blinken ayaa qiray dadaalka ay dowlada Itoobiya sii wado ee ay kaga shaqaynayso gargaarka bini’aadantinimo ee aan la hagardaameyn iyo soo celinta adeegyada aasaasiga ah ee gobolka Tigray iyo sidoo kale gobolada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada. Blinken ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in si deg deg ah loo dhaqan galiyo heshiiskii xabbad-jooginta ahaa oo ay ku jiraan in laga saaro dhammaan ciidamada shisheeye iyo in isku mar hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada Tigreega. Waxa uu xusay in Mareykanka ay weli ka go’an tahay taageeridda hannaanka Midowga Afrika uu hoggaamiyo, oo ay ku jirto habka kormeerka iyo xaqiijinta Midowga Afrika. Related posts:Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Walis iyo Xubno wasiiro ah Oo Maanta ka Qaybgalay Xafla... Wariyeyaal Ruug Cadaaya oo ka Sheekeeyay Taariikh Nololeedkii Alle ha u Naxariistee Wariye Maxamed A... Dawlada Somaliland Oo War Kasoo Saaray Amaro Is khilaafsan Ee Hay’adda Duulista Somaaliya Bixisay Oo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|