|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan la Qaatay Wakiilada Dalalka Ingiriiska Iyo Maraykanka.
November 1, 2022 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 01/11/2022 waxa uu habka maqalka iyo muqaalka ah (Video Conference) kulan ku-layeeshay Safiirka Ingiriiska iyo ku simaha Safiirka Maraykanka. Ugu horayn, Madaxweynuhu waxa uu uga waramay safiiradda xaaladda guud ee abaaraha ka jira Somaliland, taas oo lagu qiyaasay in dad gaadhaya hal milyan iyo badh (1.5 M) qof ay u baahan yihiin gargaar binu-aadanimo, waxaanu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay in taakulada caalamiga ah ee loogu talo-galay Somaliland aanay noqon mid loo soo mariyo cid kale ee lagu saleeyo qorshaha Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey hawlaha doorashooyinka ee dalka ka socda; sida tartanka ururada siyaasada iyo qabsoomida doorashooyinka inagu soo foolka leh. Sidaa darteedna ay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi-doona diiwaangelinta iyo doorashooyinka. Ugu danbayntii safiiradu waxay madaxweynaha uga mahadnaqeen kulanka ay la qaateen, waxaanay balan qaadeen inay Somaliland si dhaw ula shaqayn doonaan.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|