“Khilaafka Doorashooyinku Wuu Ka Gudbi Doonaa, Heerka Uu Hadda Joogo, Muusana Waxa ka Go’an, In Tiisa Uu Qasab Ku Meelmarsado”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Khilaafka Doorashooyinku Wuu Ka Gudbi Doonaa, Heerka Uu Hadda Joogo, Muusana Waxa ka Go’an, In Tiisa Uu Qasab Ku Meelmarsado”Siyaasi Cali Guray.
November 25, 2022 - Written by Editor:

“2023: SOMALIYA IYO SOMALILAND”SIYAASI CALI GURAY

Sida laga soo xigtay  ilo wareedyo lagu kalsoon yahay miisaaniyad sanadeedka Dawladda Federaalka Somalia 2023 ayaa lagu qiyaasay in ay noqon doonto ku dhawaad hal bilyan oo doolar (967.7 milyan) halka ay sanadkan 2022 ka ahayd (918 milyan).

70% dakhliga miisaaniyada oo u dhiganta (665.1) waxa bixinaya qaadhaan bixiyayaal caalami ah (Doners). Taas oo ah laba jibaar intii ay sanadkan ka heshay.

Dakhliga cashuurta oo 2022 dhamayd 247 milayan ayaa la filayaa in 2023 ay kor ugu kici doonto (283.3 milyan). Sida ka muuqata dakhliga cashuurtu waa Muqdisho oo keliya

hadii lagu daro Maamul gobaleedyada waxa laga yaabaa in isku celcelin min 100,000,000$ ama ka badan. Sidaa daraadeed miisaaniyadda Dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu waxay gaadhi kartaa qiyaastii 1.5 bilyan.

Somaliland miisaaniyaddii 2022 iyo ku talogalka 2023 wax badan isma dheera oo waxay labaduna cagocagaynayaan qiyaastii   500,000,000$. Iyadoo ay sidaa kala yihiin hadana Somalia waxa u beryay waa cusub oo waxa la soo afjaray khilaafkii doorashooyinka.Waxa diyaar loo yahay waa in loo jeedsado waxqabad iyo horumar dhan kastaba ah.  muddo ugu yaraan afar sanadood ah.

Dhinaca kale Somaliland oo haddaba dhiiqo lugaha kula jirta khilaafka ragaadiyay awgii ayay suurogal tahay in Muuse Biixi aanu rabin in xataa 2023 ay wax doorasho ahi ka qabsoonto Somaliland, iska daa sagaalka bilood ee Komishanku sheegay in ay doorashada madaxtooyada ku qaban karaan eh. Markaa Muuse  waxa uu damacsan yahay maradiisa umuu sheegin mana jirto cid rasmi ahaan waxa ka og halka uu u socdo iyo waxa uu doonayo xataa xwasiirada xukuumadiisa iyo xubnaha hogaanka sare ee xisbigiisana ku dhehoo.

Sidaa daraadeed 2023 hadii aan xal loo helin  khilaafka aynu og nahay heerka uu hadaba joogo dabcan way ka sii dari kartaa xaaladda dalku hadii aan xal degdeg ah inta ay goori goor tahay la helin. ka sii dari  Muuse Biixina xal ma ogola, hadii uu ogol yahay heerkan la islama soo gaadheen. Waxaynu og nahay dadaal kasta oo la sameeyay iyo xal kasta oo suurogal noqon karayayba in labada xisbi ee mucaaridku ay mar walba ahaayeen dhinaca tanaasulayay ee aqbalayay, halka Muuse mar walba ahaa ka ku gacan saydhayay.

Sidaa daraadeed khilaafkan doorashooyinku wuu ka gudbi doonaa heerka uu hadda joogo Muusana waxa ka go’an in tiisa uu qasab ku meelmarsado xalka keliya uu miciinsanayaana waa “xadhig iyo xabbad”in uu ku muquuniyo mucaaridka waa sida uu u fakarayo eh.

Xukuumadda Muuse wax taageero ah ama kaalmo ah kama heli doonto bulshada caalamka, miisaaniyadda kooban uu maamulaana kuma filaan karto xataa hawlgaladiisa xadhig iyo xabbadda oo keliya. Waxa suurtogal ah wax kale daaye in xukuumadiisu ay bixin kari waydo mushaharka shaqaalaha. Sidaa daraadeed halka ay ku socoto waa in ama Somaliland la waayo ama Muuse Biixi la waayo hadii aan si dhakhso ah loo soo afjarin khilaafkan doorashooyinka

QALINKII CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS