|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuum Caaqil Cabdiraxmaan Muxumed Ileeye Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
November 25, 2022 - Written by Editor:TACSI GUDDOOMIYE; Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, madax dhaqameedka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil Cabdiraxmaan Muxumed Ileeye oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday. Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Illaahay uga baryaya in uu janatul firdawsa ka waraabiyo ehelka, qaraabadii iyo bulshada uu madaxda u ahaa ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. إنا لله وإنا إليه راجعون COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|