|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Amaanka Oo Kordhiyay Mudada Ciidamada Nabad Ilaalinta Sii joogayaan Somaliya!
November 1, 2022 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar muddo kordhin ah Oo loo sameeyay hawlgalka kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Muddo hal sano ah, oo ku eg ilaa Oktoobar 31, 2023, ayaa loo kordhiyay xafiiska UNSOM. Muddo kordhintan waxay kusoo aaday iyadoo dhawaan uu dhamaaday waajibaadka ergaygii QM ee Soomaaliya, danjire James Swan. Qaraarka ansixinta oo tirsigiisu yahay 2657, ayaa 14 dal waxay u codeeyeen in la kordhiyo waajibaadka UNSOM, halka hal waddana uu ka aamusay. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale u caddeeyey in dib u eegis lagu sameeyo xaalada Soomaaliya, iyadoo la eegayo horumarka siyaasadda iyo xaaladda amni ee dalka. UNSOM waxaa la abuuray bishii Juun ee 2013. Golaha Ammaanka ayaa u abuuray in la taageero dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya. Related posts:Xuska Maalinta Qaran Ee 18May Si Heer Qaran Ah Waxaa Looga Xusi Doonaa Xarunta Gobolka Cayn Ee Buuho... DAAWO;Madaxweyne Siilaanyo Iyo Waftigiisii Oo Dalka Kusoo Guryo Noqday, Kana Warbixiyey Safarkoodii ... Madaxwayne Donald Trum Ku Dhawaaqay kala Duwanaanshaha Somaliland Iyo koonfurta Soomaaliya Oo Uu Sh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|