|
|||||
WAJAALE NEWS
Ergayga Geeska Africa Uqaabilsan Nabadaynta Itoobiya Oo Gaadhay Magaalada Maqale.
November 24, 2022 - Written by Editor:MAQALE(W,N)-Ergayga gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika Iyo Nabadaynta Itoobiya Madaxwaynihii Hore ee Dalka Nayjeeriya Olusegun Obasanjo Ayaa gaadhay Maqale ee gobolka Tigrey waxaana Halkaasi Uu ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaha TPLF ahna Madaxweynaha degaanka Tigray Debretsion G/Michael. Obasanjo ayaa Maqalle u tagay si uu ugu kuur galo xaaladda gobolka Tigray iyo waliba waxa ka hirgalay heshiiskii nabadeed ee dhawaan ay TPLF iyo dowladda Itoobiya ku gaareen Koonfur Afrika iyo Kenya. Obasanjo ayaa inta uu joogo Maqalle waxa uu kulamo xog waraysi ah la qaadan doonaa Madaxda u sarreysa degaanka Tigray ee dalka Itoobiya. Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa billowgii bishan heshiis nabadeed gaarey, iyadoo heshiiskaasi uu hormuud u ahaa Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika Olusegun Obasanjo. Ilaa iyo hadda qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen wax badan kama hirgalin, marka laga reebo dagaalkii oo joogsaday, iyo gargaarkii oo maalmahan gaaray magaalada Maqale, TPLF ayaa wali ku dhagan qodobka hub ka dhigista oo ay u sababaynayaan in wali Eritariya iyo Axmaaraduba ay wali haystaan qaybo kamid ah gobolka Tigray. WAJAALENEWS DESK Related posts:Qaramada Midoobay Oo Badelaysa Ergayga Uqaabilsan Somaliya Michael Keating Iyo Xogo Iftiimiyay Masu... War Deg Deg ah: Itoobiya oo Berri Yeelanaysa Madaxweyne Cusub iyo Mulatu Teshome oo Is-casilaya DAAWO;-Ugaaska Guud Ee Beelaha Ciise Oo Si Adag Uga Hadlay Dad Shacab Ah Oo Ciidamada Itoobiya Xasuu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|