DAAWO;-Gen. Jidhif Oo Ka Xog Waramay Aas Aaskii Ciidamada Booliska Jsl Iyo Marxaladihii Ay Soo Mareen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Gen. Jidhif Oo Ka Xog Waramay Aas Aaskii Ciidamada Booliska Jsl Iyo Marxaladihii Ay Soo Mareen.
November 2, 2022 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)- General Maxamed Xassan C,laahi (Jidhif) Taliyhii hore Ciidamada Qaranka Somaliland Ahaana Taliyihii ciidankii nabadgalayada ee bilowgii somaliland ayaa hanbalyo u diray guud ahaa Ciidamada Booliska JSL Xuska Munaasibada Aas-aaskii Ciidamada Booliska oo ku began maalinta barito oo ay Taariikhdu tahay 03-11-2022, waxaanu ku amaanay sida ay hadh iyo habeen ugu taagan yihiin Amniga Qaranka JSL.

Dhanka Kale Gen. Maxamed Xassan Cabdi-laahi oo ahaa aas-aasihii Ciidankii nabadgayada oo markii ugu horeysay laga hirgaliyey Caasimada JSL ee Hargeisa kuwaasi oo shaqeynaayey 1991 ilaa 1993 kana koobnaa ilaa saddex boqol oo askari markii danbana ay ka unkameen Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland.

General Jidhif oo ahaa Talihii Ciidankii Nabadgalyada ee xiligaasi oo ay gacan siinayeen Odaayaashii Magaalada Hargeysa gaar ahaan Madax-dhaqameedkii, Ganacsatadii & Guud ahaan waxgaradkii Somaliland waxaanu Jananku ka sheekeeyey Taariikhdii iyo Mar-xaladihii kala Duwanaa ee ay soo mareen Ciidamada Boolisku,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS