Ciidanka Dab Damiska Oo Damiyay Dab ka Kacay Dhismaha Durdur Business Center Ee Badhtamaha Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab Damiska Oo Damiyay Dab ka Kacay Dhismaha Durdur Business Center Ee Badhtamaha Hargaysa.
November 6, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka Dabdemiska ayaa goor dhawayd damiyay dab ka kacay barxada hore ee Mall ka Durdur Business ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo jiingad yar oo goobtaa ku taalay dabku ka kacay. Ciidamada ayaa markii goobtaa ay gaadheen waxay dabkaa ka xakameeyeen Gaadhi noociisu ahaa V8 oo dabku khatar galiyay. Sidoo kale ciidanka ayaa badbaadiyay hantidii goobtaa oo ay ka agdhawaayeen Gaadiid,Ganacsiyo, huteelo iyo goobo waxbarasho iyadoo goobtaa ay ku yaalaan Durdur Business, Deero Mall, Carro Edeg hotel, Sahan Books iyo Jaamacada Gollis.

Ma jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dabkaasi sababay. Sababta baadhistana waxaa gacanta ku haya ciidanka Booliska.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin adag uga dirayaa bulshada inay ka feejignaadaan wax kasta oo keeni kara ama sababi kara dabku.

 

COMMENTS
LINKS