|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Somaliya Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Khasaaraha Dhashay Weerarkii Alshabaab Ku Qaaday Huteelka Villa Rays Ee Magaalada Muqdisho.
November 28, 2022 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Ugu yaraan siddeed qof oo mid kamid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka dowladda, Somaliya ayaa ku dhintay qarax iyo weerar kooxda al Shabaab ay ku qaadeen hotel Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya. Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sidiiq Aadan Doodishe, ayaa xaqiijiyay in ciidanka dowladda ay soo badbaadiyeen 60 qof oo shacab ahaa oo kooxda al Shabab ay ku heysteen hotelka. Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ku sugnaa hotelka la weeraray, maadaama uu ku yaallo nawaaxiga Madaxtooyada, islama markaana ammaankeeda aad loo ilaaliyo. Weerar oo socda ku dhowaad 12 saacadood ayaa ku bilowday qarax, kaddibna waxaa xigay koox hubeysan oo gudaha u galay dhismaha hotelka. Weerarka oo bilowday xalay 8:00 habeennimo, ayaa la soo afjaray gleinkii dambe ee maanta oo Isniin. Sidiiq Aadan Doodishe, ayaa shirkiisa jaraa’iid ku sheegay in lix dagaallame oo ka tirsan al Shabab ay soo qaadeen weerarka, iyadoo la dilay shan ka mid ah, halka midka kalana uu is-qarxiyay.
Related posts:Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Dacwad Ka Dhan Ah Qaar Ka Mida Hay”addaha Warbaahinta U Gudbiyay ... Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Warbixiyay kulamo uu La yeeshay ... Somaliland: Xanuunka Covid_19 Oo Saddexdii Maalmood Ee U Dambeeyay Soo Ritay 86 Qof, Inta U Dhimatay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|