|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Jsl Oo Beeniyay In Wax Qarax Ahi Ka Dhacay Hargaysa, Digniina Udiray Dadka Warar Kaasi Faafiyay.
November 15, 2022 - Written by Editor:Taliska Guud Ee Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland. Waxaanu Bulshada u Cadaynaynaa in Agagaarka Dahabshiil Gargaar Agteeda Banjarle Ama Goomayste Ku Yaala oo banjarinaya Tayir ay Wax isaga uun ku kooban oo sameeyay Qarax yar dhaceen, kaas oon ahay wax dibada kaga yimid waxaana dhawac fudud soo gaadhay Banjarlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee hargeisa. Hadaba Ciidamada boolisku waxa Ay Baadhitaan Ku Hayaan Wixii Sababay Dhacdadii Goobtaasi ka dhacday. Taliska Guud ee ciidamada boolisku waxa uu digniin u dirayaa cidkasta oo ku hawlana Fidinta wararka Boro Bogaada ah gaaro ahaan kuwa beenta Qoraya Iyo kuwa ka qaadanayaba. XAFIISKA WARBAAHINTA CIIDANKA BOOLISKA JSL. Related posts:Gurmad Ka Socda Xukuumadda Oo Wasiir Abiib-Timacad Hor-kacayo Oo Gaadhay Goobtii Cagafta Dawladda Ho... Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Soo Bandhigay Kaadhadh Tiro Badan Oo Sifo Sharci Darro Ah Lo... Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Fariin Udiray Xildhibaanada Aan Kasoo Xaadirin Fadhiga Golaha Iyo Tal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|