Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Afhayeenkii Wasaarada Arimaha Dibada Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Afhayeenkii Wasaarada Arimaha Dibada Jsl.
October 28, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ciidamada booliska Somaliland Ayaa xidhay Afhayeenkii Wasaarada arimaha dibada Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi) kaasi oo maalintii sedexaad ku xidhan Xarunta Danbi Baadhista Somaliland ee C.I.D

Xadhiga afhayeenkii wasaarada arimaha dibada ayaan ilaa hada la ogoyn sobobta keentay iyo cida uu uxidhan yahaytoona

Sidoo kale xukuumada iyo wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ayaan ka hadal xadhiga masuulkan.

Dhanka kale warar dheeraado oo aanu ka helayno xadhiga afhayeenka wasaarada arimaha dibada ayaa sheegay in xadhigiisu uu ka danbeeyo wasiirka wasaarada arimaha dibada DR Ciise kayd kaasi oo dhawaan ay isku khilaafeen qoraal kazoo baxay wasaarada arimaha dibada  oo uu dhaliilay afhayeenku qaabka uu uqornaa islamarkaana aan waxba lagala socodsiin kaasi oo bulshada Somalilandka iyaguna dhankooga ka  falceliyeenka  sida uu uqornaa oo aad uliidatay.

Xadhiga afhayeenka wasaarada arimaha dibada Jsl oo horena ula soo shaqeeyay wasaaradaha arimaha gudaha iyo Warfaafinta  ayaa  sida ay Xaqiijiyeen dadka ka agdhawaa ayaan xadhigiisa loo marin sifo sharci ah.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS