|
|||||
WAJAALE NEWS
XAL MISE XAL LA’AAN!! SIYAASI CALI GURAY,
October 16, 2022 - Written by Editor:Labada xisbi ee mucaaridku waxay sheegeen in hadii inta ka horaysa 13 November aan la helin heshiis loo dhan yahay aanay markaa u aqoonsan doonin Madaxwayne Muuse Biixi in uu yahay madaxwayne sharci ah. Marka ay tahay saamilayda ugu muhiimsan Doorashada Madaxtooyada inta kale wuu jiraa waxay isla ogol yihiin oo ah muddada uu Komishanka Doorashadu qabsaday ee 9ka bilood ah oo labada xisbi ee mucaaridka iyo daneeyayaasha caalamiga ah oo dabcan iyaguna qayb ka ah saamilayda muhiimka ahina ay macquul u arkeen isla markaana ay la waafaqsan yihiin. Waxa dhiman keliya Madaxwaynaha oo isagu dabcan metala xukuumaddiisa iyo xisbigiisa labadaba in uu isaguna baarigo, si uu meesha uga saaro gebi ahaanba khilaafka siyaasadda ee Somaliland ka abuuray kala qaybsabaanta wayn iyo iska horimaadyada sababa khasaaraha naf iyo maalba leh. Hadii madaxwaynuhu xaqiiqada hortiisa taal aanu indhaha ka qabsanin ee isaguna la qaato taas ayaa noqon karta ama la hubaa in ay tahay xalkii khilaafka doorashada. Waana runtii ta danta u ah shacbiga Somaliland iyo madaxwaynaha laftiisaba waayo waxa umusha u dan ah ayaa ilmahana dan u ah. Sidaa daraadeed waxa dadkiisa u dan ah ayaa madaxwaynahana u dan balse sua’aasha malyuun doolarka ahi waxay tahay sidaa ma u arkaa Madaxwayne Muuse mise maya? Waxaynu kala ogaan doonaa hadii Allah yidhaa maalmaha ama todobaadyada fooda inagu soo haya ee khayr Insha Allah CALIGUREY HALGANWATCH Related posts:Wargalinta U Diyaar garowga Munaasibadda Xuska dhalashada Rasuulka Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ... Madaxwayne Siilaanyo Oo Noqday Madaxweynaha Lixaad Ee Adduunka Ugu Mushaharka Badan (DARAASAD) Taliyihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Jsl S/G; Maxamed Xasan Jidhif Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuum... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|