“Waxkasta Oo Uu Xeer Sicad Uqeexayo, In Caqli Lagu Maamulo Oo Aan Loo Habraacin Sharcigu Waxa Uu Dhigayo, Waxa Ka Dhasha Sharci Daro”Garyaqaan Yuusuf Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxkasta Oo Uu Xeer Sicad Uqeexayo, In Caqli Lagu Maamulo Oo Aan Loo Habraacin Sharcigu Waxa Uu Dhigayo, Waxa Ka Dhasha Sharci Daro”Garyaqaan Yuusuf Biixi.
October 28, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Garyaqaan Yuusuf Biixi oo kamid ah sharciyaqanada Somaliland ayaa sharci jabin ku tilmaamay talaabada ay gudida diwaangalintu ku sheegeen in 1000qof ee madaxtaabashada ururada gobolka sool ay ururada keenaan 400qof halka goboladii kale ee dalka ay 1000qof utiriyeen ururada.

Isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu Yidhi;

“Waxkasta Oo Uu Xeer Sicad Uqeexayo, In Caqli Lagu Maamulo Oo Aan loo Habraacin Sharcigu waxa Uu Dhigayo, Waxa Ka Dhasha Uun Sharci Daro,

Hadii maanta ay guddidu diwaangalintu ku maamusho caqligooda iyo rabitaankooda hanaanka madaxtaabashada, oo ay Lixda gobol gobolna ka dhigaan 1000 qof, gobolna ka dhigaan 400 oo qof sida ku xusan qoraalkan ay soo saareen  oo aan Waafaqsanayn Qodobka.5aad Farqadiisa 3aad Xubintiisa (b) Ee Xeer Lr.14.2011, Xeerka diwaangalinta ururada siyaasada iyo asxaabta Qaranka JSL, Su,aasha Muhiimka ah Ee iswaydiinta lehi Waxay Tahay.

Maxaa u Diidaya Guddidu Inay Barina Caqligooda iyo Rabitaankooda ay ku kala reeban Ururada, Oo ay Qodobada sharci iyo Xeerarkaba ay ka maarmaan?

Ururada Maanta Sidaas Ku Qanacsan Ee Xuquuqdooda Sharci daawadayaasha ka ah, Bari Waxaynu Arki doonaa, iyagoo ka qaylinaya, khaladkan maanta maxsuulkiisa danbe oo ka cabanaya, Ileen Hal Xaaran ahi Nirig Xalaal ah Ma Dhashee!!!!!

Caqlan Washarcan Marwalba Waxaan Taaganahay Inta Xeerarka yar yar ee aynu haysano ay wax inoo Sheegayaan inaynu dabaqno, guddidana waxaan usoo jeedinayaa inay xeerka kusoo dabaalaan si cadaalada loogu dhawaado.

QORE; Garyaqaan. Yuusuf biixi.

 

COMMENTS
LINKS